Abiy Axmed oo ku soo wajahan Muqdisho iyo waddooyinka oo xiran

0
19

Qaar kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran waxaa la soo dhoobay ciidamo kala duwan oo katirsan dowladda, oo gaadiidka iyo dadweynaha u diidaya isticmaalka wadada.

Sababta keentay in la xiro waddooyinka, ayaa waxa ay tahay in maanta Muqdisho, uu ku soo wajahan yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo caasumaad uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobaha sidoo kale maanta xiran waxaa kamid ah Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, oo inta badan la joojiyey duulimaadkii aadi jiray gobollada dalka, kaliya waxaa shaqeynaya diyaaradaha dalka dibadiisa aadaya.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha waxbarashada, iyada oo dadka intooda badan ay cagtooda malayaan, si ay u garaan goobahooda ganacsi.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in imaanshaha Abiy Axmed ee Muqdisho, ay salka ku heyso arrinta la xiriirta Badda iyo qodobo kale oo iskaashi ay labada dhinac qorsheynayaan in ay wadagaan.

Qaban qaabadii u dambeysay ee soo dhaweeynta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyey amniga guud ee Caasimada.

 

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here