Diyaarado hub siday oo saaka ka degay Boosaaso +XOG

0
27

Sida ay sheegayaan wararka ka anu ka heleyno garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa saaka halkaasi laga dejiyay hub iyo saanad ciidan.

Laba diyaaradood oo siday hub iyo saanad ciidan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka degay garoonka diyaaradaha Boosaaso sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shaqaalaha ayaa sida wararku tibaaxayaan laga saaray gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso halka in yar oo ku hartayna taleefonnada laga ururiyay markii ay dagayeen diyaaradaha hubka siday si aaney muuqaalo uga duubin.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinayay in hubka saaka lagu keenay labada diyaaradood ee laga dejiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid ay Puntland ka soo iibsatay Itoobiya.

Dhowaan ayey aheyd markii gaadiid hub ka keenay Itoobiya la soo geliyey degaanada Puntland, kaasoo Wasiirka warfaafinta Puntland oo wax laga weydiiyey uu beeniyey isagoo sheegay in gaadiidkaas ay wadeen baradho.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here