Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Kusimaha Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya

0
87

Laascaanood, Soomaaliya – 4 May 2025 – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay kusimaha danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya.

Kulankan oo kusoo dhacay jawi is-afgarad iyo wadashaqeyn ku dhisan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan arrimaha nabadeynta, dadaallada xasillinta, taageerada bani’aadannimo iyo horumarinta deegaannada SSC-Khaatumo.

Hoggaamiye Cabdulqaadir ayaa danjiraha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed, amni iyo bani’aadannimo ee gobolka, isagoo si gaar ah uga hadlay saameynta dagaalladii dhawaan dhacay iyo baahida loo qabo taageero caalami ah si dib loogu dhiso hay’adaha dowladeed, kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah, loona dhexdhexaadiyo beelaha degaanka.

Kusimaha danjiraha Norway ayaa bogaadiyay hoggaanka SSC-Khaatumo dadaallada ay ku wadaan xasillinta gobolka, isagoo ballanqaaday in dowladda Norway ay sii wadi doonto taageerada ay siiso nabadda, wada-hadallada iyo horumarka ka socda gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo SSC-Khaatumo ay kula macaamileyso beesha caalamka, wuxuuna muujinayaa xiisaha sii kordhaya ee ay dalalka caalamka u qabaan wadashaqeynta la xiriirta nabad, horumar iyo dowladnimo loo dhan yahay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here