Baydhabo, Soomaaliya – 4 May 2025 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta booqasho dhiirrigelin ah ku tegay furimaha hore ee dagaalka, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka qalabka sida ee u taagan difaaca dalka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Madaxweynaha oo ay wehelinayeen saraakiil sare iyo ilaalada gaarka ah ayaa si gaar ah ula kulmay ciidamada ku sugan aagagga hore, isagoo u muujiyay taageero buuxda, kana mahadceliyay dadaalka ay u hayaan ilaalinta amniga shacabka iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweyne Laftagareen wuxuu jeediyay khudbad dhiirrigelin ah, isaga oo xusay in ciidamada ay yihiin geesiyaal mudan in lagu faano. Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in maamulka Koonfur Galbeed uu si buuxda u garab istaagi doono ciidamada, kana shaqeyn doono tayadooda, tababarkooda, iyo helitaanka agabkooda ciidan.
“Waxaan u nimid inaan idiin muujinno in ummadda Soomaaliyeed ay idin garab taagan tahay. Dadaalkiinna waa mid aan marna la illoobi doonin, waana sababta aynu maanta xorriyad iyo dowladnimo u heysanno,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Booqashadan ayaa imaneysa xilli ay ciidamada qalabka sida ee Koonfur Galbeed ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula jiray kooxaha nabadda diiddan.
