Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ku hawlan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda dowlad-goboleedyada dalka.
Swan ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku qanciyay inuu kasoo qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho maalinta Isniinta ee soo socota.
Dadaalkan ayaa daba socda kulamo uu James Swan hore ula yeeshay madaxda maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, halka sidoo kale lagu wado inuu la kulmo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.
Inkasta oo la filayay in hoggaanka Dowladda Federaalka uu hormuud ka noqdo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed, haddana waxay muuqataa in mas’uuliyaddaas uu si toos ah u guntaday James Swan, taasoo muujinaysa in beesha caalamku ay dooneyso inaysan xaaladdu sii cakirmin.
Tallaabada uu qaaday Swan ayaa la rumeysan yahay inay daba socoto shir dhowaan ka dhacay dalka Uganda, kaas oo qodobadii kasoo baxay midkood uu xusay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan lagu ogaan karo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
