Ilaalada Ibrahim Traoré: “Waxay i siiyeen 5 Milyan oo Doollar si aan u toogto Madaxweynaha – Laakiin waan diiday”

0
54

RNN Somali TV – Afrika | Taariikh: 2 May 2025

Mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa si geesinimo leh u shaaciyey in kooxo aan la magacaabin ay u soo bandhigeen $5 milyan oo doolar si uu u fuliyo isku day dil madaxweyne Traoré xilli uu ku jiray salaadda, gaar ahaan marka uu u foorarsado ducada.

Hadalkan oo si weyn u hadal hayn ka abuuray gudaha iyo dibadda dalka Burkina Faso, ayaa muujinaya heerka qatarta iyo cabsida ay wajahayaan madaxda Afrikaanka ah ee isku dayaya in ay ka madax bannaanadaan faragelinta shisheeye.

“Waxay ugu yeereen Yabooh – Anigana waxaan u arkay khiyaano qaran”

Ilaaladan oo magaciisa la qarinayo sababo amni awgood, ayaa yiri:

“Waxay ii soo bandhigeen 5 milyan oo doolar si aan gadaal uga toogto Ibrahim Traoré marka uu salaadda ku jiro. Waxay i ballan qaadeen aniga iyo qoyskayga dhalashada dalkooda. Waxay ugu yeereen ‘yabooh’.”

“Laakiin waxaan is weydiiyay: 5 milyan oo doolar miyaa qiimihiisu yahay ninka walaalkaa ah ee sharafkaaga iyo kan dalkaba kor u qaadaya kuna aaminay noloshiisa?”

“Ma Doonayo in Lacag La Iga Dhigo Boqor Been ah”

Ilaaladu wuxuu intaa ku daray:

“Lacagtaas miyey iga dhigi doontaa boqor, mise nacas ay carruurtooda ku majaajiloodaan? Waxaan doortay inaan u noolaado sida libaax duur jooga halkii aan magaalada ay gacmahoodu ka dhiseen ka ahaan lahaa addoon.”

Hadalkan ayaa loo fasiray inuu yahay mid lagu muujinayo waddaniyad, daacadnimo, iyo diidmada faragelinta shisheeye ee lagu hayo madaxda qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda siyaasadaha reer galbeedka.

Caddayn Kale oo Ku Saabsan Halista uu Wajaho Ibrahim Traoré

Ibrahim Traoré ayaa xilka la wareegay sannadkii 2022 kadib afgambi ciidan. Waxa uu caan ku yahay hadallo kulul oo uu ku cambaareeyo faragelinta reer galbeedka, iyo sida uu u difaaco madax-bannaanida Burkina Faso iyo guud ahaan Afrika.

Waxaa horey loo sheegay in isku dayo badan oo dil ah lala damacsanaa madaxweynaha, taas oo sii adkaynaysa shaqada iyo amniga maamulka uu hoggaaminayo.

Gunaanad

Hadalkan kasoo yeeray ilaalo madaxweyne ayaa calaamad u ah halista ay wajahayaan madaxda u taagan difaaca sharafka qaranimada Afrika. Wuxuu sidoo kale xoojinayaa doodda ah in waddaniyadda iyo damiirka aysan lagu iibsan karin lacag kasta.

RNN Somali TV waxay si joogto ah idiinku soo gudbin doontaa wararka ku saabsan isbeddellada siyaasadeed ee Afrika iyo halganka madax-bannaanida qaaradda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here