Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wali kulamo kala duwan ka wada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo habenkii labaad ee ku hoyday.
Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah waxa uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kulanka inta uu socday ayaa madaxweynaha iyo odayaasha waxa ay isla meel dhigeen in la adkeeyo garab istaaga ciidanka xoogga ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, si dalka looga saaro kooxda.
Geesta kale odayaasha iyo waxgaradka kulanka qeyb ka ahaa ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay sida ay uga go,an tahay dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
