Howlgal lagu xaqiijinayo amniga oo laga sameeyay deegaano hoostaga Dhuusamareeb

0
58

Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda qeybtooda maamulka Galmudug, ayaa howlagallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanno ku teegsan Sinadhaqo, Labi-dule, iyo Dhabanna dhulkuheys ee gobolka Galgaduud.

Howlgalladan oo socday maalmihii lasoo dhaafay ayaa lagu lagu raadjoogay Shabaabka  ku dhuumaaleysanaysa dhulka howdka ah.

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Abdirahmaan Cali Maxamed (Geeda Qorow), oo ciidamda ku wehlinayay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu yahay mid deegaanka lagu sugayo, isla markaana uu sii socon doono.

Sidoo kale Guddoomiye Geeda Qoroow, ayaa  shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo sugo nabadda iyo horumarka deegaanka.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here