Dagaal xooggan oo ka dhacay degmada Balcad

0
30

Wararka anu ka heleyno degmada Balcad eegobolka  Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya  in halkaas saaka dagaal uu ku dhaxmaray Ciidanka dowladda iyo Al- Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al- Shabaab waddooyin dhawr ah oo magaalada ah ka soo galeen ka dib markii ay ka war heleen ciidanka dowladda weerar ay ku qaadeen.

Khasaare labada dhinac ah ayay ku waramayaan dadka deegaanka inuu jiro waxaana barbar socda barkac iyo cabsi ay muujinayaan dadka degmada Balcada ee Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda hadda waxaa lagu soo waramayaa in ay degan tahay  isla markaana ciidanka dowladda ay riixeen kooxdii Al- Shabaab ee saaka weerarka ku soo qaaday degmada Balcad.

Sikastaba, dhowaan ayay ahayd markii sidan oo kale kooxda Al- Shabaab gudaha ay u soo galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa sidoo kale maalmo ka hor kooxda lagu arkay deegaanada Ceelasha biyaha iyo Lafoole oo ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here