Cutubyo katirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo wajiib ahaan u xil saaran ilaalinta Maxabiista ku jira xabsiyada dalka, ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, iyaga oo la geeyey furimaha dagaalka ee Shabeelooyinka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka Al-shabaab.
Generaal Mahad Cabdiraxaan oo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa ka hor daabulada ciidamada waxa uu kula dardaarmay inay gutaan wajiibkooda shaqo, ayna xajistaan furimaha dagaalka marka ay iska horimaadaan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.
“Dagaal ayaad u socotaan maidnka qarinayo waxaad wadataan qoryo kala duwan, waxaana waaye cadowga ku dil adigana isku difaac, Nin walbo kalsooni haku galo dagaalka, saraakiisha iyo idinkaba da’yar ayaa tihiin oday oo dhan waan idinka reebnay, mar walbana qorigaaga hakuu diyaarsanaado,” ayuu yiri Generaal Mahad Cabdiraxmaan.
Sikastaba, dadka falanqeeya arrimaha ciidamada ayaa walaac ka muujiyay ciidamadan inay ku biiraan dagaalka, maadama aysan laheyn tababar ciidan oo rasmi ah gaar ahaan sida la dagaalanka argagixisada.