Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Safarka Guddoomiyaha ayaa daarran xoojinta dadaallada gargaarka banii’aadannimo ee dalka iyo u kuur galidda xaalada nololeed ee degmada iyo deegaannada ku xeeran, isagoo gargaar loogu tala galay dadka nugul oo daawo iyo cunno isugu jira ku wareejiyay hoggaanka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Hirshabeelle iyo maamulka degmada.
Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka, agaasimaha guud ee wasaaradda gargaarka & maareynta musiibooyinka Hirshabeelle Cabdifataax Maxamed Yuusuf, guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga guddoomiyaha ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jalalaqsi.