Thursday, March 13, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMaxey kawada hadleyn madaxweynaha Hir-shabeelle iyo safiirka dalka Turkiga ?

Maxey kawada hadleyn madaxweynaha Hir-shabeelle iyo safiirka dalka Turkiga ?

Madaxweynaha dowladda goboleedka  Hir-shabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka Dowladda Turkiga Danjire Alper Aktas oo yeeshay wada haddal khadka telefoonka ah.

Ugu horeyn Safiirka ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Hir-shabeelle adkeysiga dagaalka kooxda Al-shabaab  xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Soon-qaad.

Sidoo kale safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka Al-shabaab.

“Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow. Farriinta Dowladda Turkiga oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya waxa ay dhiirogelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka Hirshabeelle,”ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn, Madaxweye Cali Guudlaawe, ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Dowladda Turkiga ee u fadhiyo Soomaaliya wada haddalka khadka telefoonka ee uu lasoo sameeyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments