Wednesday, March 12, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMaxey kawada hadley Ra'iisul wasaare Xamsa iyo safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya...

Maxey kawada hadley Ra’iisul wasaare Xamsa iyo safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Sudan u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal iyo fursadaha cusub ee iskaashi dhinacyada kala duwan leh.

Danjire Abdelrahman ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Sudan markii dhibaatooyoinku ka dhaceen dalkaas, waxaana uu ballan qaaday in Suudaan ay xoojin doonto xiriirka walaalnimo ee labada dal ay wadaaggaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa walaalaha Suudaan uga mahad celiyey doorka ay ka qaateen waxbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed xilligii adkaa ee dalkeennu soo maray, isaga oo xusay in Dowladda Soomaaliyeed garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Sudan, waxa uuna bogaadiyey dadaallada dib loogu soo celinayo deganaanshaha Suudaan, laguna xoojinayo midnimada iyo wadajirka ummadda reer Sudan

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments

class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | İstanbul Escort | İstanbul Escort | porn sub ita | canlitv.watch | |