Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Labo-garas ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu halkaasi ka socdo.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana dagaalka uu yahay mid culus oo labada dhinac isku adeegsanayaan hub culus.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay dhowr jiho ka wareerageen Al-shabaab isku aruursanayay deegaanka Labo-garas, xaaladana ay xiligan tahay mid qaraar.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dagaalka ka dhashay maadama uu weli socdo.
Maamulka Hir-shabeelle iyo saraakiisha ciidamada xoogga ee gobolka kama aysan hadlin dagaalkan maanta ka socda deegaanka Labo-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.