Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe soo afjaray weerar qaatay 15 saacadood oo ay Al-shabaab ku qadeen hotel Qaahira oo ku yaalla galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarka oo ku biloowday qaraxyo ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 7 ruux oo isugu jira nabadoonno, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Mamulka magaalaa Baladweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarka, ciidamada amniga ay u suuragashay inay toogtaan raggii weerarka soo qaaday.
“ Ragga weerarka soo qaaday waxa ay aheyen 6 dhagar qabo Afar wey is qarxisay, labana ciidamada amniga ayaa toogtay, ciidamada amniga waxa soo badbaadiyeen odayaal, saraakiil iyo dad shacab ah oo ku jiray hoteelka waxaana howlgalka ay soo afjareen xalay saqda dhaxe, hadana ciidamada amniga ayaa gudaha hotelka baaritaano kawado,” ayuu yiri gudoomiyaha magaalada Baladweyne Cumar Calasoow.
Sikastaba, xaalada guud ee magaalada Baladweyne, ayaa deggan waxaana dib u soo laabtay isku socodka dadka iyo gaadiidka maadama weerarkii shalay uu hakad geliyay.