Wednesday, March 12, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMadaxweyne Cali Guudlaawe oo si kulul uga hadlay weerarkii saakay ka dhacay...

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo si kulul uga hadlay weerarkii saakay ka dhacay magaalada Baladweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu horeyn cambaareeyay weerarka Al-shabaab ka geeysteen Hoteelka Qaahira ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka tacsiyadeeynayo xasuuqii ay kooxda Al-shabaab u geysteen nabadoonnada dhaqanka, iyo dadkii kale ra’yidka ahaa ee saakay ku laayeen Hoteel Qaahira ee galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Geesta kale madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa sheegay in Howgalka dabar-goynta Khawaarijta oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka, uu  naafeeyay damaca argagaxisada Shabaab ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga dowlad goboleedka Hir-shabeelle sida ay u toogteen xubnihii katirsan Al-shabaab ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments

class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | İstanbul Escort | İstanbul Escort | porn sub ita | canlitv.watch | |