Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug,ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP O49 oo horay uu ugu fadhiyay agaasimaha hay’adda Socdaaka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Mustaf Cali Dhuxulow.
Guddiga madaxbanaan ee doorashada qaranka, ayaa dhowaan sheegay inuu banaan yahay kursigan HOPO49, waxaana maanta doorasho ka dhacday Dhuusamareeb ku guuleystay Maxamed Cabdi Cali.
Xildhibaanka la doortay Maxamed Cabdi, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in mudda xileedka u dhiman oo ugu adeegi doono bulshada uu ku matalo kursigan.
Mustaf Cali Dhuxlow, ayaa xubnimada Baarlamaanka ku wayay kaddib markii uu qabtay xilka agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa weli banaan kuraas kamid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga madax banaan ay shegeen in kuraasta ka banaan golaha ay shaacin doonaan xiliga la qabanayo doorashadooda.