DF Soomaaliya oo amar culus ku soo rogtay xeyndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
34

Shir jaraa’id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys, ayuu kaga hadlay xaalada amniga Muqdisho iyo howlgallada looga soo horjeedo Al-shabaab  ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha amniga lagu amrayo in aan hub am gaadiid dagaal  lala gali Karin xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayan mamnuuc ay tahay arrintaasi.

Sidoo kale wasiir Da’uud,  ayaa sheegay  in talaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsiyadkii lagu hela ayaga oo baraha bulshada ku faafinaya warar  been abuur ah.

“Waxaa mamnuuc ah  in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Geesta kale wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto howlgallada ka socda dalka, isla markaana waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ay la shaqeyaan ciidamada  xoogga iyo kuwa deegaanka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here