War-saxaafadeed kasoo baxa madaxtooyada Jubbaland, ayaa looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, ee ka socda deegaano katirsan maamulka Hir-shabeelle.
Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu bogaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira kooxda ee Al-shabaab oo gacanta ku heysa deegaano badan oo katirsan gobollada dalka.
“Jubbaland waxa ay taageereysa iskaashiga socda waxa ayna rajeyneysa inuu noqdo mid lagu gaarayo guusha ugu dambeysa ee looga adkaanayo Al-shabaab loogana qabsan doono deegaanada dowlad goboleedka Hir-shabeelle ay kaga sugan yihiin”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland