Wasiirka Cadaaladda Puntland oo dowladda dhexe ku eedeyey in aysan diyaar u aheyn dagaalka argagixisada

0
61

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee maamulka Puntland Maxamed Cabdiwahaab, ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda federaalka kula jirta kooxda Al-shabaab ee kka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan laheyn hogaanka dowladeed oo si mabda’ ah ula dagaalamo kooxda Al-shabaab, taasina ay keentay in magaalooyin badan oo ku yaalla Koonfur ay gacanta u gashay Shabaab.

Wasiirka oo ka hadlayay xaalada amni ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dayaca iyo daruufta ay keentay in argagixisada ay qabsadaan meel badan oo dalka kami ah.

“Koonfurta dalka argagixisada ayaa qabsatay, hau sahasho duruuf ama dayac mid ay taheyba, sababta ugu weyn waa inaysan heysan hogaan dowladeed oo leh aragti mideysan iyo mabda loola dagaalamo argagixisada” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda ee Puntland.

Sidoo kale wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray inay jiraan Wiilal iyo Gabdho geesiyaal ah oo la dagaalamaya argagixsada, balse aan helin hoggaan dowladeed iyo dedaal mideysan oo lagula dagaalamayo fikirka xaqjirka, taasina ay tahay sababaha ugu weyn ee argagixsada u suura gelisay in ay qabsadaan Koonfurta dalka.

Sikastaba hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili deegaano badan oo katirsan gobollada dalka laga saaray Al-shabaab, hadana ay gacanta ku hayaan ciidamada xoogga dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here