Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYDuqeyn diyaaradeed oo khasaaro geystay oo laga fuliyay Buuraha Calmiskaad

Duqeyn diyaaradeed oo khasaaro geystay oo laga fuliyay Buuraha Calmiskaad

Ciidamadda Maamulka Puntland ayaa maanta gaaray aagag cusub oo ay ku sugnaayeen kooxda Daacish, kuwaas isaga cararay saacadihii lasoo dhaafay kaddib markii khasaare baaxad leh loogu geystay duqeymo ay wadajir u sameeyeen ciidamada Puntland iyo saaxiibada Caalamka oo taageeraya howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Goobaha ay ciidamaddu ka qabsadeen Daacish ayaa waxaa kamid ah Taliskii Daray-Madoobe, kaas oo ahaa mid muhiimad weyn u lahaa kooxda Daacish  iyo difaac adag oo ay horrey u diyaarsadeen, balse ay isaga carareen kaddib markii ay u ruqaansadeen ciidamadda amniga  ee Maamulka Puntland.

Dhanka kale, Duqeymo culus ayaa maanta ka dhacay buuraleyda Cal-miskaad, kuwaas oo ay fuliyeen saaxiibada Dowladda Puntland, waxaana khasaare baaxad leh oo loogu geystay kooxda Daacish.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments