DEGEG:Ciidanka Puntland oo gacanta Ku dhigtay madaxii dilalka qorshaysan ee Daacish

0
36

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa goordhow gacanta ku dhigay Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid, oo loo yaqaan Laahoor, una qaabilsanaa Daacish dilalka qorshaysan ee Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgalkaan uu si gaar ah uga dhacay deegaanno ka tirsan Puntland, halkaas oo ciidamada ammaanku ay muddo dheer raad ku hayeen sarkaalkan.

Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid ayaa la sheegay inuu door muhiim ah ku lahaa weerarro qorshaysan iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland iyo qeybo kale oo ka mid ah Soomaaliya.

Dowladda Puntland weli faahfaahin rasmi ah kama bixin xarigiisa, balse ilo amni ayaa xaqiijiyay in Laahoor hadda ku jiro gacanta hay’adaha amniga, lana filayo in loo gudbiyo maxkamad si loo horgeeyo cadaaladda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here