Booliska Soomaaliya oo qabtay gaari iyo walxaha oo losoo waday Muqdisho +Sawirro

0
66

War kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay howlgal ay sameyeen ku guuleysteen inay ku soo qabtaan gaari lagu soo raray waxlaha qarax oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Gaariga ay ciidanka soo qabteen oo ahaa Toyoto Probox, ayaa waxaa saarnaa Sameecad weyn iyo Caagag laga soo buuxiyay waxlaha qarxa, loona soo waday Muqdisho, balse baaris ay sameyeen ciidanka ammaanka ay ka salgareen waxlaha qaraxa ee gaariga saarnaa.

“Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Taiska Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ay ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay.

Sikastaba, hay’adaha ammaanka ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay howlgallada sare loogu qaadayo amniga Caasimada, iyaga oona ka hortagay qaraxyo ay damacsanayeen kooxda Al-shabaab, inay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

 

473715148_1113098464190092_7369624719125782253_n-1-300x294 Booliska Soomaaliya oo qabtay gaari iyo walxaha oo losoo waday Muqdisho +Sawirro 473441972_1113098560856749_4836255865580771613_n-300x264 Booliska Soomaaliya oo qabtay gaari iyo walxaha oo losoo waday Muqdisho +Sawirro 473640234_1113098457523426_4487042078943189871_n-300x225 Booliska Soomaaliya oo qabtay gaari iyo walxaha oo losoo waday Muqdisho +Sawirro 473715148_1113098464190092_7369624719125782253_n-300x294 Booliska Soomaaliya oo qabtay gaari iyo walxaha oo losoo waday Muqdisho +Sawirro

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here