Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulan xasaasi ah la yeeshay guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

0
33

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha Guddiyada ku howlan dib-u-eegista Dastuurka ayaa warbixin ka siiyay Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa la tashiyadii iyo soo jeedinta waxka bedelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka oo hadda maraya wajigii 2aad.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay una mahadceliyay Guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here