Cali Jeyte oo si kulul uga hadlay tallaabadii ay dowladda ciidanka ku geysay Jubbaland

0
163

Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, hadana ah taliyaha guud ee ciidanka deegaanka Macawiisleey, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay howlgalka ay wadaan iyo ciidanka ay dowladda geystay deegaanada Jubbaland.

Cali Jeyte ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda ay ciidamo ku daabusho Jubbaland, iyada oo  ciidamada uu hoggaaminayo ee Macawiisleey ay garab ka wayeen dowladda, isla markaana hubka ay ku dagaalamayaan ay iyaga soo iibsadeen, balse waxa uu tilmaamay in wax lala yaabo inay tahay in dowladda ay ciidanka ku daabusho hal jiho oo kali ah.

“In ay dagalamaan dad maaskiin ah oo qoryaha ay wateen geeloodi ku soo beegsadeen, ayna helin saanad, iyo mushaar midna halka ciidamada  Soomaaliya lagu daad gureeyay hal jiro, taasi oo qalad ma ahan dadka Soomaaliyeed baan weydiinayaa” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray dalalka dowladda Soomaaliya ka tageera dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dalalkaasi ay hoos u eegaan wax aka socda gudaha Soomaaliya.

Siastaba, hadalka Cali Jeyte Cismaan, ayaa ku soo aadaya xili ciidamadii ay dowladda ay geysay Jubbaland, qorshihii loo geeyay uu fashilmay kaddib markii dagaal ka dhacay deegaanka Raaskambooni looga adkaaday ciidanak dowladda, iyada oo ay xusid mudan tahay in ciidankii dhaawacmay iyo kuwii isdhiibay dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here