Maxey tahay ujeedka uu Dhuusamareeb u tagay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA ?

0
49

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada wasaaradaha gargaarka ee maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay wasiirka gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawi,maamulka Gobolka Galgaduud Iyo masuuliyiin kale.

Socdaalka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ku soo aadaya xilli magalaada Dhuusamareeb uu maalinta berri ah ka furmayo shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada oo sanadkiiba saddex jeer la qabto kaas oo sanadkaan lagu qabanayo Galmudug.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here