Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWasiirka Dastuurka ee XFS oo ka qeyb galy shir looga hadlayay musuq-maasuqa

Wasiirka Dastuurka ee XFS oo ka qeyb galy shir looga hadlayay musuq-maasuqa

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qayb galay shirka wasiirrada ee hay’adaha fulinta sharciga ee la-dagaallanka musuqmaasuqa, oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo ayna soo qaban-qaabiyeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya dalalka xubnaha ah Ururka Iskaashiga Islaamka si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, laguna dhiirrigeliyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Wasiir Xasan Macallin oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi ballaaran oo heer caalami ah si loo ilaaliyo cadaaladda loona yareeyo musuqmaasuqa, asagoo soo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo hormarinta hufnaanta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku boorriyay dalalka xubnaha ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay is-dhaafsadaan khibradaha iyo farsamooyinka la-dagaallanka musuqmaasuqa, si loo gaaro yoolalka guud ee lagu xaqiijinaayo cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Baaqa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud ayaa qeyb ka ah dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhisidda hay’ado dowladeed oo hufan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments