Kulan maanta ay Muqdisho ku yesheen labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayna si wadajir ah u shir guddoominayeen guddoonka labada aqalka ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xubnaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
169-Xildhibaan ayaa ogol u codeysay, waxaa diiday 6-xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay, isla fadhiga baarlamaanka ayaa lagu dhaariyey xubnaha guddiga.
Sidoo kale Xildhibaanada labada aqal ee matala Jubbaland, ayaa ka soo jorjeestay ansixinta guddiga, iyaga oo sheegay in aysan waxba ka jirin meel marinta guddiga,isla markaana ay wadato Villa Somalia, uuna yahay mid sharci darro ah, maadama ay ka maqan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Khaatumo, iyo Siyaasiyiin mucaaradka ee dalka.
Sikastaba Guddigaan oo ka kooban 18 xubnood waxaa xalay ansixiyey Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.