Siciid Deni oo dhagax dhigay waddo muhiim ah shacabka deegaanada Puntland

0
82

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Wadada isku xirta Barxada magaalada iyo kuliyada tababarka Ciidanka Booliska ee Carmo, Wadada la dhisayo oo laami laga dhigayo dhererkeeduna yahay 2KM, waxaa lagu dhisaya qorshaha Dowladda ee ah isku- tashiga.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire , Goleyaasha Dowladda, Maamulka degmada , Guddiga horumarinta degmada, Shirkadda dhisaysa ee Midnimo volunteer group iyo qaar ka mid ah bulshada degmada Carmo.

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland ay ka go,an tahay in sare loo qaado dhimasa goobaha muhiimka iyo kaabashaa dhaqaalaha ee Puntland.

 

 

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here