Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay xakameynta hubka sida sharci darrada ah dalka ku soo gala.
Wasiirka ayaa tilmaamay in guulo wax ku ool ah laga gaaray sidii loo xakameyn lahaa hubka sharci darrada ku yimaada dalka, si aysan uga faa’iideysan kooxaha ‘AS’ iyo Daacish iyo kuwa geysta danbiyada abaabulan.
Sikastaba, shirkan ayaa ku soo aadaya iyada wali hub sharci darro ah dalka uu soo galo,isla markaana dowladda soomaaliya aysan waxba ka qabanin.