Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka soomaaliya oo kulankoodi caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa todobaadkan uga hadlayay qodob dhowr ah, waxaana shir guddoominayay kulanka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, iyada oo dhammaan ay kasoo qeyb galeen kulanka xubnaha golaha wasiirrada.
Dood dheer kaddib ayaa la ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, keydinta Bacrimiyayaasha Beeraha iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.