Friday, November 22, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYDanjiraha Dowladda Denmarkoo raali galin gafay u gestay Madax-banaanida dalka

Danjiraha Dowladda Denmarkoo raali galin gafay u gestay Madax-banaanida dalka

Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ugu gafay Madax-banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Safiirka ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, isagoo ka jawaabay, una hoggaamsamay u yeeristii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Denmark waxay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa X Danjire Steen Sonne Andersen.

“Denmark iyo Soomaaliya waa labo dal oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, kana wada shaqeeya arrimo badan oo ay ku jiraan dhismaha dowladnimada, isbedelka cimillada iyo nabadda iyo amniga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiiirka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay digniin ugu dirtay diblomaasiyiinta qaar, iyadoo uga digtay inay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments