Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo geystay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac kaasi oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland.
ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ka dhacay guriga martida ee Magaalada Kismaayo, isla markaana ay ku dhinteen askar kenyaan ah oo gaaraya ilaa iyo 3 askari, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn halkaasi sida uu qaraxa ismiidaaminta ah uga dhacay.
Sidoo kale Jugta qarax ayaa laga maqlay qeybaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland.
Goobta qarax uu ka dhacay waa goob sida weyn loo ilaaliyo waana halkaas ku suganyahay madaxweynaha jubbaland, sidoo kale waxaana xusid mudan in wali laamaha amniga ee Magaalada Kismaayo aysan wali hadlin qaraxan.
Sikastaba, qaraxan khasaaraha dhaliyay ayaa ku soo aadaya xili doorashada jubbaland ay qaban qaabadeeda ka socoto Magaalada Kismaayo.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco