Guddiga Madaxa-bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland (GMXD) oo gudanaya waajibaadkiisa qabashada doorashooyinka Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa sheegay in uu dhexdhexaad ka yahay guud ahaan dadka daneynaynaya in ay u tartamaan xilalka Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha Jubbaland.
wuxuu sidoo kale guddiga sheegay in si xushmad leh ugu wargalinayaa dhammaan dadka ay khuseyso arrintani inay u soo gudbiyaan Xafiiska Guddiga araajidooda xilliga loo qabtay ee hoos ku qoran.
Guddiga ayaa ugu danbeyntii, waxa uu faray dhammaan inta qoraalkoodu uu khuseyso inay ka qayb qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Jubbaland
Sikastaba hadalkan ka soo yeeray Guddiga madax-banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, ayaa ku soo aadaya xili shalay galab uu soo saaray jadwalka iyo araaji qabashada musharxiinta u tarmaya xilalka dowlad goboleedka Jubbaland.