Hay’adda NISA oo qabatay xubno sare oo katirsan Kooxda ‘AS’

0
87

Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa howlgal ay ka sameyeen Muqdisho, waxa ay ku soo qabteen xubno katirsan Kooxda ‘AS’.

Labada xubnooda ee howlgalka lagu soo qabtay ayaa la sheegay in ay kooxda u kala qaabilsanayeen Isbitaalada iyo bukaanada Kooxda.

” Dhagar qabaha koowaad ayaa lagu magacaaba Kooshin Maxamuud Axmed wuxuuna Khawaarijta u qaabilsan yahay isbitaalada iyo bukaanada la keeno Muqdisho, halka dhagar qabaha labaad Keyse Faarax Axmed, uu yahay dhaqtarka Khawaarijta u qaabilsan daaweynta bukaanada jooga Degmada Jilib, waxaana adeer u ah horjoogaha Khawaarijta u qaabilsa arrimaha siyaasada Xuseen Fidoow, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda NISA.

Sikataba Hay’adda NISA, ayaa muddooyinkii dambe waxa ay xoojisay howlgalada ka dhan Kooxda ‘AS’ ee ku dhuumaaleysanaya Magaalada Muqdisho

466593472_1068381968661742_7665211359114301436_n-212x300 Hay'adda NISA oo qabatay xubno sare oo katirsan Kooxda 'AS'

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here