Shir dhowaan ka dhacay dalka UK ayaa looga hadlay ahmiyadda ay leedahay dhowrista xogta qarsoon ee muwaadinka, ayada oo shirkaas ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan 130 waddan ee ku mideysan hay’adda Global Privacy.
Shirkaasi ka hor Soomaaliya waxey abuurtay hay’ad loogu magac daray dhowrista xogta qarsoon ee shaqsiga, waxaana ka qeybgalay wafdi ku matalayey shirkaasi.
Waxaa shirkan uu imaanayaa wakhti waayadan dalka uusan lahayn hay’adan ayadoo dalka uu burbursanaa muddo, amni oo xun awgeed na ay khatar kasoo wajahi karto muwaadinka haddii si fudud loo bixiyo xogtiisa dahsoon iyo aqoonsigiisaba.
Xogta dahsoon iyo aqoonsiga macluumaad ee shaqsiga ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada Waxbarashada, Amniga, Macluumaadka qofka, dhaaqalahiisa iyo waxyaabo kale oo badan.