Shacabka Somaliland oo maanta u dareeray Doorashada Madaxtinimada

0
62

Shacabka Somaliland ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa saakay u dareeray codbixinta doorashooyinka Madaxtinimo ee maamulkaasi.

Inta badan magaalooyinka waaweyn ee maamulka Somaliland ee kala ah Hargeysa, Berbera,Boorama, Burco iyo Gibileey ayaa aroornimadii hore ee saakay safaf dhaadheer u galay iney codadkooda dhiibtaan waxaana doorashadaasi oo ay ku tartamayaan 3 xisbi Siyasaadeed oo u tartamaya Madaxweynaha, halka toban ururna ay u tartamayaan iney xisbiyo noqdaan.

Ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan ayaa si aad ah loo adkeeyey ayadoo dhammaan dhinacyada tartamayana ay shacabka ku booriyeen iney si nabad ah codadkooda u dhiibtaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa horey u bogaadisay nidaamka doorashooyinka maamulka Somaliland.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here