Rwanda ayaa gargaar bani’aadannimo u direyso Gaza

0
123

Dowladda Rwanda oo kaashaneysa Urdun ayaa toddobadii bishan Nofembar ku dhawaaqday in ay gaarsiisay gargaar bani’aadannimo Gaza.

Taageerada ay siineyso waxay qeyb ka tahay dadaalada caalamiga, waxaana ku guddoomay magaaada Camman ururka Hashemite.

Deeqada waxay ka kooban tahay in ka badan 19 ton oo cunto ah, kana kooban cuntada carruurta, daawo iyo qalabka caafimaadka.

“Rwanda waxay taageereysaa in dagaalka la joojiyo iyo in la ilaaliyo nolosha rayidka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Rwanda.

Xafiiska isku xirka gargaarka Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo OCHA ayaa 17-kii April diray baaq ay ku codsanayaan 2.8 bilyan oo dóolar taas oo si degdeg ah wax looga qabanayo baahida ka jirta dhulka Falastiin.

Deeqaha ayaa lagu taageerayaan dad ka badan 3 milyan oo ku nool Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Jerusalem. Deeqda ayaa la sii marinayaa hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga iyo kuwa deegaanka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here