Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa si kulul u weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh,isaga oo ka hadlay xaaladda dalka iyo khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cabdiraxmaan ayaa ku dheeraday talabooyinkii is xig-xigay ee dowladda ay qaaday iyo sida ay ula macaamileyso maamulada dalka ka jira, waxa uu sheegay in dowladda madaxweyne xasan sheekh ay awood adeegsaneyso,isla markaana taasi ay tahay mid aan ku wanaagsaneen dowladnimada dalka.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka dalka uusan waxba qaban karin,isla markaana kaliya ay danahooda ka shaqeysaan, isaga oo ku sheegay in dalka Baarlamaanka awood leh inuusan jirin sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah siyaasi mucaarad ah kana tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku mashquulsan tahay in boobka dhulalka danta guud, burburinta qabuuraha, isbaarooyin, dhaca iyo waxyaabo aan dalka u wanaagsaneen.
Sikastaba hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ku soo aadaya xili khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland uu xoogeystay,isla markaana Maamulka Jubbaland ay shaacisay in ay qabsaneyso doorasho, xiriirkana ay u jartay dowladda federaalka soomaaliya.
