Abiy Axmed oo markale ku adkeystay heshiiskii badda ee uu lagalay Somaliland

0
53

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayay Is afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya dhexmaray ayaa markale ku adkeystay, in uusan ka laaban doonin Is afgaradkaas, isagoo sheegay in 50 sano oo kiro ah ay SL heshiiska kula galeen.

Abiy ayaa u muuqday nin ku adkeystay doonista iyo damaciisa oo Itoobiya ugu raadinayo bad aysan xaq u laheyn.

“Dunida oo dhan maanta ha maqasho, Itoobiya xaq ayay u leedahay adeegsiga Badda Cas. In aan sidaas dhanho kama xishoonayno. Ama annaga ama ubadkeenna ayaa xaqiijin doona yoolkaas. Shaki kuma jiro.”ayuu yiri Abiy Axmed.

Abiy oo kahadlayay Addis Ababa, ayaa sheegay in Itoobiya aan looga adkaan dagaal kasta, dadkiisana looga baahan yahay in ay cadowyadooda u midoobaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaciisa ku mashquulsan kala geynta Bulshadiisa oo khatar jiritaan wajahaysa, gaar ahaana galalka abuurifa doorasho aan heshiis lagu aheyn, boob dhulalka danta guud, kheyraadka, Dastuur bedelid aan Midnimo loo haynin.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here