Booliska Somaliland oo sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan dad lagu eedeyay falal amniga liddi ku ah

0
63

Booliska Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa sheegay in ay sharciga hor keeni doonaan dhalinyaro hubeysan oo rabshad liddi ku ah amniga ka sameeyay magaalada Hargeysa habeen hore.

Taliyaha howlaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Ibraahim Cabdi Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay sameeyeen falal ka dhan ah amniga isla markaana si degdeg ah lagu horgeyn doona maxkamadda ciidamada.

Wuxuu intaasi ku daray in xilligaan xasaasiga ah “ciddii falal amni darro lagu qabto aan loo naxariisan doonin”.

Somaliland 13-ka bisha soo aaddan ee Nufeembar ayaa lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyinka is huwan ee madaxtooyada iyo tan ururada siyaasadda.

Xilligaan oo muhiim ah ayaa qaybaha kala duwan ee ciidamadu waxay ahmiyad siinayaan sugidda amniga si gaar ah xilligaan lagu jiro ololaha dooorashada sida ay horeyba u sheegeen laamaha ammniga Somaliland.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here