Wasiirka Amniga Hirshabelle oo Kusoo Gaba-gabeeyay Shir Muhiim ah Muqdisho

0
75

Wasiirka Amniga Dowladda Hirshabelle, Mudane Mohamed Abdirahman Kheire, ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray shir socday muddo 3 maalmood ah oo looga hadlayay baahiyaha amniga ee ka jira degmooyinka Moqokori, Aadan Yabaal, iyo Masjid Ali Gaduud. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa dhismayaal saldhigyo booliis oo cusub iyo adeegyo kale oo sare u qaadi kara amniga deegaannadaas.

Intii uu socday shirka, mas’uuliyiinta ka qaybgalay ayaa si qoto dheer uga dooday baahiyaha degmooyinkaas ee dhinaca amniga, iyaga oo isla meel dhigay qorshayaal lagu xallinayo caqabadaha jira. Waxa ay sidoo kale falanqeeyeen sidii loo heli lahaa taageero dheeri ah oo loogu tala galay dhismaha kaabeyaasha amniga iyo kor u qaadista wada shaqeynta ciidamada booliska iyo bulshada rayidka ah.

Mudane Mohamed Abdirahman Kheire ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimada ay leedahay in la dhiso saldhigyo booliis oo degmooyinkaas ka howlgala, si wax looga qabto caqabadaha amni-darro ee jira iyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada guud ee deegaannada Hirshabelle. Shirkan ayaa lagu go’aamiyay in la dedejiyo hirgelinta qodobadaas, kaas oo door weyn ka qaadan doona xasilinta iyo sugidda amniga degmooyinkaas muhiimka ah.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here