Cali Guudlaawe oo magacaabay hanti dhowraha guud ee Hir-shabeelle

0
57

Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday Cabdullaahi Cabdi Bariise oo ahaa Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa marka uu arkay qoddobka 60-aad farqadiisa 1-aad xarafka (b) ee dastuurka Dowladda Hirshabeelle iyo sida ay muhiim u tahay in isbeddel lagu sameeyo Hanti-dhowrka Guud ee Hirshabeelle waxa uu Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud u magacaabay Mudane Axmed Sheekh Nuur Iidle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhowrka Guud dardargelinta iyo qaabeynta shaqadda loo idmaday.

 

 

FB_IMG_1729086122305-211x300 Cali Guudlaawe oo magacaabay hanti dhowraha guud ee Hir-shabeelle

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here