Musharrax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa hoygiisa uu ka degan yahay caasimadda Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

0
44

Musharrax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa hoygiisa uu ka degan yahay caasimadda Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Kulankan oo ahaa booqasho sharafeed uu Guddoomiye Madaale ugu yimid Mudane Kheyre, ayaa waxaa diiradda lagu saaray is-xog-wareysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka, caqabadaha siyaasadeed ee jira, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha khilaafka leh.

Labada masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka hannaanka dowlad-dhiska, xoojinta wadajirka iyo wada-tashiga siyaasadeed, iyo doorka hoggaaminta mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sugidda midnimada, xasilloonida, iyo horumarka dalka.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale booqashada iyo talooyinka uu la wadaagay, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan masuuliyiinta hore iyo kuwa hadda ay si mideysan uga shaqeeyaan danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Guddoomiye Madaale ayaa bogaadiyay dadaallada Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ee ku aaddan horumarinta siyaasadda ku dhisan wada-tashi, is-afgarad, iyo dowladnimo loo dhan yahay, isaga oo xusay in kulamada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo xoojinaya rajada shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbal nabdoon oo horumar leh.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here