Axmed Maxamed Islaam oo Guddoomiyay Kulankii Toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Jubbaland

0
35

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Jubbaland, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Gedo.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray xiisadda ka taagan gobolka Gedo, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo deegaannada ku dhow-dhow magaalada Balad Xaawo, iyo dadaallada maamulka Jubbaland uu ugu jiro sidii uu u difaaci lahaa deegaannadaas.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka kadib ayaa lagu sheegay in Jubbaland si buuxda u diidan tahay faragelinta dowladda Federaalka, isla markaana ay diyaarinayso qorshe amni oo looga hortagayo waxa ay ku tilmaameen duullaan sharci-darro ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulanka ka sheegay in maamulka Jubbaland uu ka go’an yahay difaaca dadka iyo dhulka Jubbaland, isagoo xusay in aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu baabi’inayo nidaamka Federaalka ee dalka ka jira.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta xiriirka Jubbaland ay la leedahay beesha caalamka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here