DEG DEG: Dowladda Soomaaliya oo Markale Joojisay Duulimaadyadii Rakaabka ee Magaalada Dooloow

0
131

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale si lama filaan ah u joojisay duulimaadyadii rakaabka ee ka dagi jiray magaalada Dooloow ee gobolka Gedo. Amarkan cusub oo kasoo baxay dowladda ayaa si afka ah loogu sheegay shirkadaha diyaaradaha ee gudaha, kuwaas oo si toos ah ugu shaqeynayay magaaladaas.

Joojintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo gobolka Gedo uu weli yahay mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan ee uu khilaaf siyaasadeed iyo amni ka taagan yahay, gaar ahaan muranka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Ilo-wareedyo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aankan uu salka ku hayo arrimo amni iyo siyaasadeed, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta joojinta.

Shirkadaha diyaaradaha ee gudaha dalka ayaa si weyn uga falceliyay arrintan, iyagoo sheegay in joojinta duulimaadyada Dooloow ay saameyn ku yeelan doonto dad badan oo safarro muhiim ah lahaa, gaar ahaan bukaannada, ardayda, iyo ganacsatada ku nool gobolkaas. Shaqaale sare oo ka tirsan mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in go’aankan uu yimid si lama filaan ah, islamarkaana aysan helin wax qoraal rasmi ah.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan magaalada Dooloow ayaa si weyn u dhaliilay tallaabada ay qaaday dowladda, iyagoo ku tilmaamay mid dhaawac ku ah nolosha shacabka iyo isku socodka muhiimka ah ee gobolka Gedo la leh xarumaha kale ee dalka.

Waa markii dhowr aad ee dowladda federaalka ah ay xayiraad saarto ama xadido duulimaadyada ka yimaada ama taga gobolka Gedo, taas oo ka dhalatay khilaafaadka siyaasadeed ee weli xal waara laga gaarin.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa xaaladda, waxayna idinla wadaagi doontaa wixii warar dheeraad ah oo kasoo kordha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here