Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada LaasCaanood shirweynaha dhammeystirka maamulka Khaatumo, waxaana ka qeyb galaya dhammaan beelaha ku mideysan dhismaha maamulka cusub ee Khaatumo.
Shirkan oo muddo laga shaqeynayay qabsoomidiisa ayaa loo arkaa guul weyn oo usoo hoyatay shacabka iyo siyaasiyiinta taageersan maamulka Khaatumo. Qeybaha kala duwan ee bulshada, waxgarad, siyaasiyiin, haween iyo dhalinyaro ayaa si weyn uga muuqda madasha, iyagoo muujinaya midnimo iyo taageero buuxda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu amaanay doorkiisii muhiimka ahaa ee ku aaddanaa bilowga iyo dhameystirka shirkan. Hoggaamintiisa iyo taageeradiisa siyaasadeed ayaa loo arkaa in ay gacan weyn ka geysatay in shirkan uu qabsoomo si nabad ah oo la isku raacsan yahay.
Waxaa sidoo kale muuqata in dadaallada maamulka Khaatumo ay guulo ka gaareen is-hortaagga siyaasadeed ee kaga imaanayay dhinacyo ay ka mid yihiin Puntland iyo siyaasiyiin kale oo horey ugu ololeynayay in mashruuca Khaatumo uusan hirgalin.
Shirka ayaa la filayaa in lagu dhiso hay’adaha maamulka, la doorto hoggaan rasmi ah, laguna qeexo jihada cusub ee siyaasadeed ee Khaatumo, iyadoo sidoo kale la filayo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojiso taageerada ay siineyso maamulkaas.
Wixii kusoo kordha shirka, kala soco RNN Somali TV.
