HOGGAAMIYAHA SSC-KHAATUMO OO QAABILAY GUDDIGA FARSAMADA EE DOWLADDA FEDERAALKA

0
35

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdirisaaq Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa maanta si rasmi ah u qaabilay guddiga farsamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u xilsaartay dhameystirka dhismaha rasmiga ah ee maamulka SSC-Khaatumo.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Laascaanood, ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo dardar-gelin lahaa nidaamka dowlad-dhisidda SSC-Khaatumo, iyadoo la isku darayo gobollada Sool iyo Sanaag, si waafaqsan hannaanka Federaalka iyo heshiisyadii hore.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa soo dhaweeyay doorka Dowladda Federaalka ee ku aaddan taageerada dhismaha maamul dhab ah oo ka hanaqaada SSC-Khaatumo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka deegaanka ay helaan maamul matala xaqooda, isla markaana ilaaliya midnimada dalka.

Guddiga farsamada ee Dowladda Federaalka ayaa dhankooda sheegay inay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan maamulka SSC-Khaatumo, si loo dhameystiro hanaanka dowlad-dhisidda oo sal u noqon doona horumar, nabad iyo adeegyo dowladeed oo laga hirgeliyo deegaannada SSC.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan diyaar-garroowgii ugu dambeeyay ee ku aaddan shir ballaaran oo la filayo in lagu dhiso goleyaasha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo taageero ballaaran ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

RNN Somali TV waxay sii wadeysaa dabagalka shirarka iyo is-afgaradyada ku aaddan dhismaha rasmiga ah ee maamulka SSC-Khaatumo.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here