Ciidanka Qaranka iyo Dadka Deegaanka oo Ka Hortegay Weerar ay Al-Shabaab ku Qaadeen Deegaanka Gumare

0
35

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya geesiyaasha deegaanka ayaa maanta si geesinimo leh uga hortegay weerar ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Gumare, oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid naf la caarinimo ah, balse si xoog leh looga hortagay. Dagaal culus ayaa weli ka socda agagaarka deegaanka, iyadoo saraakiisha hoggaaminaya howlgalka ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen inay jab xoogan gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna ku jiraan xaalad firxasho ah, halkaas oo ay ciidamada Qaranka si dhaw ugu daba jiraan.

Khasaare culus ayaa la gaarsiiyay Al-Shabaab, iyadoo meydadka dagaalyahannadooda lasoo qalday ay daadsan yihiin goobaha uu dagaalku ka dhacay. Tira-koobka khasaaraha gaaray kooxdaasi ayaa weli socda, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo saacadaha soo socda.

Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen ciidamada iyo shacabka deegaanka oo si wadajir ah isaga difaacay weerarka.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa howlgalka socda iyo wixii war ah ee ka soo kordha deegaanka Gumare.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here