Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad), ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), isagoo ku eedeeyay inuu ka baxay ballanqaadyadii iyo heshiisyadii ay horey u gaareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.
Cali Balcad ayaa si gaar ah u xusay doorashadii dhawaan ka dhacday degmada Balcad, taasoo lagu doortay Duqa cusub ee degmadaas, Mudane Qaasim Furdug. Wuxuu sheegay in doorashadaasi ay ahayd mid si buuxda uga hor imaanaysa heshiisyadii siyaasadeed iyo is-afgaradkii lagu gaaray shirarkii u dhexeeyay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo maamul dhisidda degmooyinka.
Wasiir Cali Balcad ayaa tilmaamay in ficilka uu qaaday Madaxweynaha Hirshabelle uu yahay mid dhaawacaya kalsoonidii laga qabay hanaanka wada-tashiga qaran iyo midnimada heerarka dowladda. Wuxuu ku baaqay in laga laabto go’aannada lagu meel mariyay doorashada Duqa Balcad, islamarkaana loo noqdo heshiisyadii rasmi ahaa ee ay wada gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Eedeyntan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay isa soo tarayaan cabashooyinka siyaasadeed ee ka imaanaya masuuliyiinta dowladda federaalka ah, kuwaasoo ka dhashay tallaabooyin ay qaadeen madaxda dowlad goboleedyada, gaar ahaan dhanka maamulka doorashooyinka iyo soo xulista mas’uuliyiinta heer degmo.
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe, weli kama uusan jawaabin hadalkan kasoo yeeray Wasiir Cali Balcad, balse arrintan ayaa u muuqata mid sii hurin karta khilaaf siyaasadeed oo cusub oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabelle.
RNN Somali TV waxay si dhaw ula socon doontaa xogta iyo jawaabaha ku saabsan arrintan, iyadoo shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonta faahfaahin kasta oo kusoo kordha xaaladda siyaasadeed ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan dalka.